Shiicada
Caqiidadeeda iyo Sooyaalkeedii Geeska Afrika
Shiicada
Description
Ogaanshaha taariikhda iyo caqiidada shiicadu waxay noqdeen xilliyadan dambe lama huraan marka la eego aqoonta yar ee ay ummadda Muslimka ahi u leedahay, gaar ahaan bulshweynta Soomaaliyeed. Sidoo kale, faafitaanka xawliga ku socda ee caqiidada iyo siyaasadda Shiicada, kuwaasoo ku fidaya xoog iyo xeelba, ayna daadihinayaan dawlad, waa Iiraane, iyo shacabkeedii oo isku duuban, waxay u baahan yihiin baraarug iyo feejignaan ilaa heer ummadeed ah.
Qormadan kooban waxay isku dayeysaa inay wax ka bidhaamiso jawaabaha weydiimahan soo socda:
- Waa maxay sooyaalka Shiicada?
- Maxay bulshada shiicada ahi rumeysan tahay?
- Waa sidee qaab-dhaqankooda siyaasadeed iyo midka diineed ee ay dadka Muslimiinta, Sunniga ah kula dhaqanto?
- Ma jirtaa wax xog ah oo la cuskan karo oo muujineysa jiritaankoodii Geeska Afrika iyo Soomaaliya?
Cilmi-baaris la sameeyey, si jawaab loogu helo isweydiimahaa kor ku xusan, waxay soo bandhigeysaa taariikhda madow iyo caqiidada silloon ee kooxda shiicada. Sidoo kale, qorshaha dahsoon ee ay dawladda Shiicada ee Iiraan u degsatey sidii ay u shiiceyn laheyd bulshada Muslimiinta, Sunniga ah. Dhanka kalena, dibindaabyada sir iyo saaqba leh ee ay ka dhexwaddo Muslimiinta. Waxa kale oo ay qormadu wax ka tilmaameysaa sooyaalkii shiicada ee Geeska Afrika.
KU SAABSAN QORAAGA:
CABDULQAADIR CABDULLE DIINI waa qoraa deggen waddanka Ingiriiska, waana aabbe Toddobo carruur ah. Wuxuu horey u qoray dhowr buug oo ay ka mid yihiin: Ka Joogsada qof yiri "Laa Ilaaha Illallaah" (2011); Tarankii Qurbaha Tagey (2011); Hoggaanka iyo Haweenka (2013); Shiicada: Caqiidadeeda iyo Sooyaalkeedii Geeska Afrika (2017); Xeerka Soomaalida iyo Calmaaniyadda Maxaa u Dhexeeya? (2019); Gunaanad (2021). Hadda wuxuu ku hawllan yahay sidii uu u soo saari lahaa labo buug oo cusub oo mid ka mid ahi yahay sheeko ku saabsan qiso run ah oo dhacday.
Dhanka waxbarashadiisa, wuxuu Dugsiga Sare uga baxay magaalada Dhuusamarreeb sannadkii 1985. Intii uu joogey Ingiriiska wuxuu qaatay shahaadada Bachelor of Science (Bsc) Civil Engineering iyo sidoo kale Postgraduate Certificate (PGC) oo ah Islamic Banking and Finance.
Customers Also Viewed
Buy Books Online at BookLoop
Discover your next great read at BookLoop, Australiand online bookstore offering a vast selection of titles across various genres and interests. Whether you're curious about what's trending or searching for graphic novels that captivate, thrilling crime and mystery fiction, or exhilarating action and adventure stories, our curated collections have something for every reader. Delve into imaginative fantasy worlds or explore the realms of science fiction that challenge the boundaries of reality. Fans of contemporary narratives will find compelling stories in our contemporary fiction section. Embark on epic journeys with our fantasy and science fiction titles,
Shop Trending Books and New Releases
Explore our new releases for the most recent additions in romance books, fantasy books, graphic novels, crime and mystery books, science fiction books as well as biographies, cookbooks, self help books, tarot cards, fortunetelling and much more. With titles covering current trends, booktok and bookstagram recommendations, and emerging authors, BookLoop remains your go-to local australian bookstore for buying books online across all book genres.
Shop Best Books By Collection
Stay updated with the literary world by browsing our trending books, featuring the latest bestsellers and critically acclaimed works. Explore titles from popular brands like Minecraft, Pokemon, Star Wars, Bluey, Lonely Planet, ABIA award winners, Peppa Pig, and our specialised collection of ADHD books. At BookLoop, we are committed to providing a diverse and enriching reading experience for all.